Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Agaasimayaasha Warbaahinta Madaxa-bannaan

0

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa kulan la yeeshay Agaasimayaasha iyo madaxda Warbaahinta Madaxa-bannaan ee ka howlgasha magaalada Muqdisho.

 

Kulankan oo ahaa mid isbarasho iyo xog-isweydaarsi ah ayaa Wasiirku ku dhageystay aragtiyaha, talooyinka iyo fikradaha ay qabaan madaxda warbaahinta gaarka loo leeyahay ee ku saabsan horumarinta warbaahinta, xoojinta wada shaqeynta, iyo kaalinta warbaahintu ku leedahay wacyigelinta bulshada, nabadda iyo dowlad-dhiska.

Wasiirka Warfaafinta ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn dhow oo dhex marta Wasaaradda iyo Warbaahinta Madaxa-bannaan, isaga oo tilmaamay in warbaahinta gaarka loo leeyahay ay laf-dhabar muhiim ah ka tahay gaarsiinta xogta saxda ah, kobcinta wada noolaanshaha bulshada iyo taageeridda horumarka dalka.

Dhankooda, Agaasimayaasha Warbaahinta Madaxa-bannaan ayaa soo bandhigay aragtiyahooda ku aaddan caqabadaha jira, fursadaha horumarineed iyo muhiimadda ay leedahay in la helo iskaashi joogto ah oo lagu horumarinayo tayada iyo xorriyadda warbaahinta Soomaaliyeed.

Kulankan oo qeyb ka ahaa wada-tashiyada uu Wasiirku la yeelanayo qeybaha kala duwan ee bahda warfaafinta ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku saabsan sii wadidda wada tashiyada iyo xoojinta iskaashiga si loo horumariyo warbaahinta Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here