Muqdisho – Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta midnimada, madaxbannaanida, wadajirka dhuleed iyo qarannimada dalka.
War-saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda ay si cad u diiddan tahay tallaabo kasta oo wax u dhimaysa sharcinimada iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya, isla markaana ka hor imaanaysa qawaaniinta caalamiga ah iyo go’aannada ay soo saareen hay’adaha heer gobol iyo kuwa caalamiga ah.
Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay tallaabada maamulka waqooyi-galbeed ee Soomaaliya uu ku sheegay inuu ka furayo waxa loogu yeeray “safaarad” magaalada Qudus.
Dowladda ayaa caddeysay in tallaabadaasi aysan lahayn wax sharciyad ama saameyn sharciyeed ah, isla markaana ay tahay fal daandaansi ah oo aan la aqbali karin, kaas oo meel ka dhac ku ah dareenka iyo mowqifka dalalka Carabta iyo caalamka Islaamka.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii wadi doonto difaaca midnimada dalka iyo ilaalinta mowqifkeeda diblomaasiyadeed ee waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo qiyamka ay wadaagaan dalalka Islaamka iyo kuwa Carabta.





