Mas’uuliyiin uu horkacayo Hoggaamiyaha KMG Koonfur Galbeed oo Gargaar ka Daah-furay Diinsoor

0

Diinsoor –  Wafdi uu hoggaaminayay Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, oo ay wehlinayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Wasiirka Gargaarka ee Koonfur Galbeed, ayaa maanta gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

 

Mas’uuliyiinta ayaa degmada ka daah-furay gargaar bini’aadannimo oo loogu talagalay 2,000 oo qoys oo danyar ah, kuwaasi oo ku nool degmada Diinsoor iyo deegaannada ku xeeran. Gargaarkan ayaa waxaa iska kaashaday Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) iyo Dowladda Shiinaha, waxaana uu qeyb ka yahay dadaallada lagu taageerayo shacabka ay saameeyeen xaaladaha nololeed ee adag.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa sheegay in gargaarkan si gaar ah loogu beegay dadka ugu nugul bulshada, si loo badbaadiyo noloshooda loogana yareeyo duruufaha bani’aadannimo ee ay wajahayaan.

Dhankiisa, Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa xusay in maamulka Koonfur Galbeed uu mudnaan weyn siinayo taageeridda iyo garab istaagga shacabka tabaaleysan. Waxa uu sidoo kale uga mahadceliyay Hay’adda SoDMA, Dowladda Shiinaha iyo dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay gurmadka la gaarsiiyay shacabka degmada Diinsoor.

Gargaarkan ayaa kusoo aadaya xilli deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Baay ay wajahayaan duruufo adag oo la xiriira abaarta iyo xaaladaha nololeed ee sii cakirmaya.May be an image of one or more people, tree and textMay be an image of text that says "mm SODMA IS DISTRIBUTING EMERGENCY FOOD AID TO 2, 2,000 FAMILIES AFFECTED BY THE DROUGHT. IMPLEMENTED BY: Somali Disaster Management Agency (SoDMA) SUPPORTED SUPPORTED BY: The Government of the People's Republic of China LOCATION: DIINSOOR DISTRICT, SOMALIA DATE: DATE:MAY2026 MAY 2026"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here