Wasiir Xasan Eelaay oo gaaray Qansaxdheere kana hadlay amniga Koonfur Galbeed

0

Bay – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelaay, ayaa maanta gaaray degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay, halkaasi oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

 

Intii uu wafdigu joogay degmada, Wasiirka iyo xubnaha la socday waxay kulamo miro dhal ah la yeesheen maamulka degmada, saraakiisha ciidamada ammaanka, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah. Kulamadaasi ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta dhinacyada amniga, dib-u-dhiska dowladnimada iyo taageeridda dadaallada nabadeynta deegaanka.

Wasiir Xasan Xuseen Maxamed Eelaay ayaa kulan gaar ah la qaatay ciidamada ammaanka, isagoo ku bogaadiyay doorkooda ku aaddan sugidda amniga degmada iyo deegaannada ku dhow dhow. Wasiirku wuxuu ciidamada ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan howlaha lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida, si looga hortago falalka amni darrada ah ee ay maleegayaan kooxda Al-Shabaab.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa bulshada degmada ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha dowladda iyo ciidamada ammaanka, si loo adkeeyo nabadda, horumarka iyo dowladnimada dalka.May be an image of treeMay be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here