Kiisaska Ebola ee Uganda oo gaadhay 5 qof Xayiraado cusub oo laga bilaabay xadka DR Congo

0

Kampala, Uganda — Xaaladda faafitaanka cudurka dilaaga ah ee Ebola ee Bariga iyo Bartamaha Afrika ayaa gashay weji xasaasi ah, ka dib markii Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Uganda ay si rasmi ah u shaacisay inay xaqiijisay saddex kiis oo cusub oo cudurka ah. Tallaabadan ayaa wadarta guud ee kiisaska rasmiga ah ee laga helay Uganda ka dhigaysa shan qof, tan iyo markii fayraska dalkaasi laga helay 15-kii May.

 

Saddexda kiis ee ugu dambeeyay ee la xaqiijiyay Sabtidii ayaa muujinaya sida uu cudurku ugu dhex faafayo bulshada iyo shaqaalaha safka hore, waxaana la sheegay inay kala yihiin:

Darawal u dhashay dalka Uganda, Shaqaale caafimaad oo muwaadin u dhashay Uganda ah Iyo haweeney u dhalatay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) oo dalkaasi u soo gudubtay.

Ka hor intaan kiisaskan cusub la helin, dowladda Uganda waxay Khamiistii qaadday tallaabo adag oo ay ku hakingayso dhammaan gaadiidka dadweynaha ee u socda dalka DRC. Tallaabadan go’doominaynta qaybta ah ayaa timid ka dib markii dalka laga helay labadii kiis ee ugu horreeyay oo isugu jiray hal qof oo caabuqa qaba iyo hal dhimasho ah  kuwaas oo ay ku lug lahaayeen muwaadiniin u dhashay dalka Kongo oo si dhuumalaysi ah uga soo gudbay xadka u dhexeeya labada dal.

Bayaan ay Wasaaradda Caafimaadka Uganda ku daabacday barta rasmiga ah ee X (horey loo oran jiray Twitter) ayaa lagu yiri:

“Wasaaraddu waxay sii waddaa xoojinta ilaalinta, maareynta kiisaska, raadinta dadkii ay la xiriireen bukaannada iyo dadaallada wacyigelinta dadweynaha si loo xakameeyo faafitaanka iyo ilaalinta caafimaadka iyo badbaadada dhammaan dadka reer Uganda.”

Warkan ka soo baxay dalka Uganda ayaa ku soo aaday maalin ka dib markii Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) uu ku dhawaaqay in khatarta cudurka Ebola ee ka dillaacay gudaha DRC la gaarsiiyay heerkii ugu sarreeyay ee ah “Aad u Sarreeya” (Very High), halka khatarta caalamka intiisa kalena ay weli tahay mid hoosaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here