Israa’iil oo walaac xooggan ka muujisay heshiis ay wada galeen Mareykanka iyo Iran

0

Tehran/Washigton – Israa’iil ayaa muujisay walaac aad u weyn oo ku aaddan in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu aqbalo heshiis xaddidan oo lala galo dalka Iran, kaas oo aan waxba ka badali  barnaamijka Nukliyeerka ee Tehraan.

 

Sida uu Sabtidii sheegay wargeyska caanka ah ee Haaretz oo soo xiganaya ilo-wareedyo dhanka amniga eer Israa’iil ah, walaacan ayaa salka ku haya in Washington ay oggolaato heshiis ka tagaya arrimaha ugu muhiimsan ee barnaamijka nukliyeerka Tehraan.

 

Ilo-wareedyadan ayaa tilmaamay in hay’adaha amniga ee Israa’iil ay aaminsan yihiin in qodobbada   heshiiskaas laga tagayo ay ka mid yihiin: ka saarista kaydka Yuraaniyaamka (Uranium) ee ay Iran tayeysay, ka-hortagga tayeynta mustaqbalka, iyo xaddididda barnaamijka gantaalaha xambaara dhowrka madax (Ballistic Missiles) ee Iran. Sidoo kale, sirdoonka Israa’iil ayaa qaba in Iran ay ku guda jirto xeelad ay ku “hakineyso” wakhtigana kaga gubeyso kooxda wada-xaajoodka ee Mareykanka, iyadoo fursadaha laga qabo heshiis weyn oo dhammaystiran ay aad u hooseeyaan.

Washington iyo Tehraan ayaa ku dhow yihiin is-afgarad ah, in kasta oo ay weli jiraan kala duwanaansho dhanka farsamada ah. Madaxweyne Donald Trump oo hadlay Sabtidii ayaa xaqiijiyey in heshiiska Iran “si weyn looga wada xaajooday”, hase yeeshee faahfaahinta ugu dambeysa ay weli miiska u taallo wadahadal.

Dareenkan sii kordhaya awgeed, warbaahinta dalka Israa’iil ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu kulan degdeg ah oo dhanka amniga ah la yeelan doono madaxda isbaheysiga dowladdiisa, si looga arrinsado saamaynta ay Israa’iil ku yeelan karto is-fahamka cusub ee ay gaarayaan Mareykanka iyo Iran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here