Muqdisho – Siyaasiga mucaaradka ahna xilidhibaan ka tirsan Baarlamaan Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka digay caburin lagu hayo codka shacabka, gaar ahaan dhalinyarada magaalada Muqdisho.
Hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yimid kadib markii muddooyinkii dambe qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ay ka dhaceen bannaanbaxyo looga soo horjeeday dowladda, kuwaas oo qaar kamid ah dadkii ka qeyb galay loo taxaabay xabsiyada.
Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, inuu adeegsanayo saraakiil amni si loo caburiyo aragtida dhalinyarada iyo dadka dhaliilsan dowladda.
DAAWO.



