Muqdisho – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, kana mid ah siyaasiyiinta mucaaradka dowladda, ayaa dhaliil u jeediyay habka ay hay’adaha ammaanka ula dhaqmaan shacabka Soomaaliyeed xilliyada baaritaannada amni.
Kheyre ayaa sheegay in shacabka lagu dhibaateeyo goobaha baaritaanka, isagoo tilmaamay in mararka qaar laga qaato dahabka iyo taleefannada gacanta haweenka, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid aan waafaqsaneyn nidaamka dowladnimo.
Waxa uu yiri:
“In dahabka gabdhaha iyo moobaylladooda laga qaato oo baaritaan lagu gambado, dhaqan dowladeed ma aha.”
DAAWO.



