Muqdisho — Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa walaac xooggan ka muujiyay dhacdo ka dhacday deegaanka Digta Margoos ee gobolka Jubbada Hoose, taas oo la sheegay inay sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.
War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in, iyadoo la gudanayo waajibaadka dastuuriga ah ee ilaalinta iyo dabagalka xuquuqda aadanaha, ay bilaabeen baaritaan hordhac ah si loo xaqiijiyo xaqiiqooyinka la xiriira dhacdada. Guddigu wuxuu sidoo kale sheegay inuu la xiriirayo maamulka deegaanka, bulshada iyo dhinacyada kale ee ay khusayso arrintan.
GMXIQ ayaa adkeeyay muhiimadda ilaalinta nolosha dadka rayidka ah iyo xaqiijinta badqabka bulshada, isagoo ugu baaqay hay’adaha amniga iyo garsoorka in ay si xilkasnimo leh u gutaan waajibaadkooda.
Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Maryam Qaasim Axmed, ayaa tacsi u dirtay qoysaska, ehellada iyo dhammaan dadka ay saameysay dhacdadan murugada leh.
Ugu dambeyn, Guddigu wuxuu xaqiijiyay inuu sii wadi doono korjoogtaynta, baarista iyo ka warbixinta xaaladaha xuquuqda aadanaha ee dalka, si loo xaqiijiyo isla xisaabtan, caddaalad iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.




