Soomaaliya oo wajaheysa khatarta Ebola iyo Mareykanka oo soo saaray xannibaad ku meel gaar ah

0

Mogadisho, Soomaaliya — Xilli uu Afrika dib ugu soo labakaleeyay cudurka dilaaga ah ee Ebola, dowladda Mareykanka ayaa qaadday tillaabo adag oo dhanka socdaalka ah, halka khubarada caafimaadkuna ay ka digayaan khatarta weyn ee soo wajahday dalka Soomaaliya, maadaama uu cudurku ku dhow yahay xuduudaha dalka.

 

Dowladda Mareykanka ayaa si ku meel gaar ah u mamnuucday in dalkeeda ay soo galaan dadka haysta dhalashada iyo deganaanshaha rasmiga ah ee Green Card-ka, haddii 21-kii maalmood ee la soo dhaafay ay booqdeen waddanka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Uganda, iyo South Sudan.

Go’aankan ayay dowladda Mareykanku sheegtay in ujeedadiisu ay tahay ka hortagga in cudurka halista ah ee Ebola uu gudaha u galo dalkooda. Sidoo kale, hay’adaha caafimaadka adduunka ayaa sheegaya in waddamo dhowr ah oo ay ku jiraan Kenya, Ethiopia, Tanzania, Angola, Burundi, Rwanda, iyo Zambia ay hadda wajahaan khatar aad u sarreysa oo dhanka cudurkan ah.

Dhanka kale, Soomaaliya waxay taagan tahay meel aad u nugul marka loo eego fiditaanka cudurka dilaaga ah ee Ebola, maadaama uu cudurku soo gaaray dalalka dariska ah. Nuglaanta Soomaaliya ayaa salka ku haysa xuduudaha dhaadheer ee furan ee ay la leedahay waddamada dariska ah sida Kenya iyo Itoobiya, halkaas oo ay ka jirto isu-socod xooggan oo dadka iyo gaadiidka ah, iyada oo aysan jirin koontarool adag oo dhanka caafimaadka ah.

Ma jiraan wax baaritaanno ah ama qalab ka hortag ah oo la dhigay xuduudaha dalka ama garoomada waaweyn si loo baaro dadka ka imanaya aagga uu cudurku ka dillaacay.

Tillaabada kaliya ee ilaa hadda la qaaday ayaa ah digniin dhowaan ka soo baxday Wasaaradda Caafimaadka ee Federaalka Soomaaliya, balse digniintaas ma weheliyaan qorshayaal waaqici ah oo lagaga hortagayo cudurka haddii uu dalka soo galo.

Maadaama Ebola uu yahay cudur si fudud u fida dhimasho badanna keena, haddii uusan dalku helin qorshe degdeg ah oo baaritaan laga sameeyo xudduudaha, badbaadada caafimaad ee dadka Soomaaliyeed waxay ku jirtaa khatar weyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here