MUQDISHO – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) Jenaraal Sahal Cabdullahi Cumar oo ay wehliyeen saraakiil sare oo ka tirsan Xoogga Dalka, ayaa xarunta Taliska Ciidanka Xoogga ku qaabilay wafdi ka socday Dowladda Talyaaniga oo uu hoggaaminayay Military Attaché-ga Talyaaniga.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta u dhaxeysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Dowladda Talyaaniga, gaar ahaan dhinacyada taageerada milatari, tababarrada ciidamada iyo horumarinta awoodda ciidanka.
Saraakiisha labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo sii ambaqaadi lahaa xiriirka dhinaca amniga iyo dadaallada lagu taageerayo dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada Soomaaliya.
Wafdiga ka socday Dowladda Talyaaniga ayaa dhankooda uga mahadceliyay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka wanaagsan ee loo sameeyay, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada iyo iskaashiga kala dhaxeeya ciidamada Soomaaliya.
Talyaaniga ayaa kamid ah dalalka sida dhow ula shaqeeya Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tababarka ciidamada, la dagaallanka argagixisada iyo taageerada dib u dhiska hay’adaha amniga dalka.



