Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Brazzaville kula kulmay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika

0

BRAZZAVILLE — Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa Khamiistii kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika, Dr. Sidi Ould Tah, xilli ay ka socdeen magaalada Brazzaville shirarka sanadlaha ah ee bangigaasi.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarka ay Soomaaliya ka samaysay dib-u-habaynta dhaqaalaha, dadaallada lagu xoojinayo koboca dhaqaalaha iyo fursadaha cusub ee maalgashi iyo horumarineed ee dalka ka jira, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay doorka Bangiga Horumarinta Afrika uu ku leeyahay taageeridda mashaariicda dib-u-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha iyo soo kabashada dhaqaalaha dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay sii wadidda dib-u-habaynta dhaqaalaha, kobcinta maalgashiga iyo abuurista fursado shaqo oo horumar loogu horseedo shacabka Soomaaliyeed.

Bangiga Horumarinta Afrika ayaa weli ka mid ah saaxiibbada ugu muhiimsan ee Soomaaliya ku taageera dadaallada dib-u-dhiska, horumarinta qaranka iyo xoojinta dhaqaalaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here