Muqdisho, Soomaaliya – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed (HSJ), Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Austria, Mudane Gernot Maier, iyo wafdi uu hoggaaminayay.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada hay’adood, gaar ahaan dhinacyada horumarinta adeegyada socdaalka, maamulka xuduudaha iyo is-weydaarsiga khibradaha farsamo.
Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac, isagoo xusay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ay ku jirto geeddi-socod dib-u-habeyn iyo casriyeyn ballaaran oo lagu horumarinayo adeegyada ay siiso shacabka Soomaaliyeed.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in iskaashiga caalamiga ah uu door muhiim ah ka qaadan karo taageeridda dadaallada lagu xoojinayo maamulka socdaalka iyo amniga xuduudaha dalka.
Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Austria, Mudane Gernot Maier, ayaa uga mahadceliyay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed soo dhoweynta diirran iyo fursadda ay u heleen wada-hadallada miro-dhalka ah ee lagu xoojinayo iskaashiga labada hay’adood.




