WASHINGTON — Maamulka Madaxweyne Trump ayaa u sheegay Kongareeska in dowladda Mareykanka ay si buuxda u aqoonsan tahay madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxuuna si cad u qeexay in Somaliland ay tahay gobol ka tirsan xuduudaha caalamku u aqoonsan yahay dalka Soomaaliya.
Warbixin ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka u gudbisay Kongareeska ayaa lagu sheegay in Washington ay sii waddi doonto taageerada ay u hayso midnimada dalka Soomaaliya, iyadoo ay taasi barbar socoto inay xiriir wada-shaqeyn ah oo dhanka shaqada ah la leedahay maamulka Somaliland.
Sida lagu xusay warbixinta, Mareykanku wuxuu kala shaqeeyaa mas’uuliyiinta Somaliland arrimo kala duwan oo khuseeya maamul-wanaagga, amniga iyo horumarinta, iyadoo wada-shaqeyntaas ay ku kooban tahay oo keliya qaab waafaqsan siyaasadda guud ee Mareykanka ee taageerada midnimada Soomaaliya.
Sidoo kale, dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay qiimeynayso waddooyin cusub oo lagu ballaarin karo iskaashiga ay la leedahay Somaliland, gaar ahaan dhinacyada taageerada hay’adaha maamulka, iskaashiga amniga iyo gargaarka horumarinta.
Mas’uuliyiinta Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa hoosta ka xariiqay in dadaalladaasi aysan waxba ka beddelayn mowqifka rasmiga ah ee Washington ee ku aaddan aqoonsiga Soomaaliya oo ah dal mideysan, balse ay qayb ka yihiin qorsheyaal lagu xoojinayo xasilloonida, horumarka iyo iskaashiga gobolka Geeska Afrika.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay socdaan doodaha ku saabsan aqoonsiga Somaliland, kuwaas oo ay gudaha Mareykanka ka wadaan xildhibaan iyo siyaasiyiin la sheegay inay lacago badan ku qaateen ololaha ictiraaf-raadinta, oo maamulka Hargeysana uu muddo dheer oo 34 sano ah badi-goob ugu jiray, balse aan ku guuleysan wali.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan caddeysay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya, iyadoo meesha ka saartay in wax gorgortan ah oo laga galayo midnimada iyo madax-bannaanida dalka. Mowqifkan ayaa sii adkaaday ka dib markii Israel ay bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay shaacisay inay dal ahaan u aqoonsatay Somaliland, taasi oo dhalisay cambaareyn xooggan oo dhanka caalamka ah iyo diidmo adag oo ku aadan tillaabadaas ka dhanka ah madax-bannaanida dalka.



