Wafdi Ka Socday Dowladda Sweden iyo Hay’addo oo soo garaay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda ku qaabilay wafdi ka socday Dowladda Sweden iyo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden (Sida), kuwaas oo ay hoggaaminaysay Annika Jayawardena, Ku-xigeenka Madaxa Qeybta Bariga iyo Geeska Afrika ee Xarunta Hay’adda Sida. Waxaa sidoo kale wafdiga ka mid ahaa Madaxa Iskaashiga Soomaaliya ee Safaaradda Sweden.

 

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada maareynta musiibooyinka, yareynta khataraha masiibooyinka, iyo horumarinta nidaamyada digniinta hore ee dalka. Wafdiga ayaa sidoo kale booqday Xarunta Xogta ee SoDMA (Data Center), waxayna u kuur-galeen hababka ururinta, falanqeynta iyo faafinta xogaha digniinta hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here