Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgallo amni ka fuliyey deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe

0

Shabeellaha DhexeCiidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida ka fuliyey deegaanno dhowr ah oo hoostaga Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku baarayeen fariisimaha iyo goobaha ay ku dhuumaaleystaan haraadiga kooxda Al-Shabaab.

 

Howlgalkan oo ay iska kaashadeen guutooyinka kala duwan ee ciidanka, ayaa waxaa si gaar ah u fuliyey Ururka 164-aad ee Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab. Deegaannada rasmiga ah ee ciidanku ay ka sameeyeen baaritaannada iyo roondooyinka amniga ayaa waxaa ka mid ah Garas Dheere, Jariirow, iyo Dabayley oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliska Ururka 164-aad oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in kormeerka iyo baaritaannada ay u dhaceen sidii loogu talagalay, ujeedkuna uu yahay in laga hortago isku-day kasta oo ay kooxda Al-Shabaab ku doonayso inay ku qalqal-geliso nabadgelyada dadka deegaanka.

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa carrabka ku dhuftay in ciidanka Danab ay sii wadi doonaan dhaqdhaqaaqyada caynkan ah ilaa si buuxda looga nadiifiyo deegaannadaas haraadiga kooxda, si shacabku ay u helaan jawi deggan oo ay ku ganacsadaan kuna noolaadaan.

Ugu dambeyntii, saraakiisha Kumaandooska Danab waxay baaq u direen bulshada ku dhaqan gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoo ka codsaday inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta dhow ee ay la leeyihiin laamaha amniga, ayna si degdeg ah ula wadaagaan xog kasta oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada shakin Mar dhow ama falalka liddiga ku ah nabadgelyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here