MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyaha Taliska Taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Maxamed Maxamuud Xuseen (Garabey), ayaa xarunta Taliska Taakuleynta ku qaabilay Taliyaha Dugsiga Tababarada ee TURKSOM, Jeneraal Sabahattin Kalkan.
Kulanka labada taliye ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta iyo iskaashiga u dhexeeya Taliska Taakuleynta XDS iyo Dugsiga Tababarada ee TURKSOM, iyadoo si gaar ah looga hadlay horumarinta tayada tababarrada iyo taageerada la siiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay tayeynta ciidamada iyo kor u qaadista awooddooda hawlgal, si loo xoojiyo doorka ay ku leeyihiin sugidda amniga iyo difaaca dalka.
Intii uu socday kulanka, Jeneraal Sabahattin Kalkan ayaa hambalyo u jeediyay S/Guuto Maxamed Maxamuud Xuseen (Garabey) oo dhowaan loo magacaabay hoggaanka Taliska Taakuleynta, isaga oo u rajeeyay guul iyo inuu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday.



