Ciidanka Kumaandooska Danab oo Howlgallo Amni ka Fuliyey Deegaanno ka Tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe

0

Shabeellaha Dhexe, Soomaaliya – Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida ka fuliyey deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalladan ayaa lagu baarayey fariisimaha iyo goobaha ay ku dhuumaaleystaan haraadiga kooxda Al-Shabaab, iyadoo ciidamadu ay sameeyeen roondooyin amni iyo baaritaanno lagu xaqiijinayo badqabka shacabka iyo xasiloonida deegaannada.

Howlgalka waxaa iska kaashaday cutubyo kala duwan oo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Danab, waxaana si gaar ah u fuliyey Ururka 164-aad ee Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab. Deegaannada ay ciidamadu ka sameeyeen baaritaannada iyo kormeerka amniga waxaa ka mid ah Garas Dheere, Jariirow iyo Dabayley oo dhammaantood hoostaga Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliska Ururka 164-aad ayaa sheegay in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyey, ujeedkiisuna yahay ka hortagga isku-day kasta oo ay kooxda Al-Shabaab ku doonayso inay ku carqaladeyso amniga iyo xasilloonida bulshada deegaanka.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa xusay in Ciidanka Kumaandooska Danab ay sii wadi doonaan howlgallada amniga iyo dhaq-dhaqaaqyada lagu baacsanayo kooxaha nabad-diidka ah, si loo xaqiijiyo in deegaannada gobolka laga ciribtiro khatar kasta oo amni, loona suurtageliyo shacabka inay ku noolaadaan nolol ammaan ah.

Dhanka kale, saraakiisha ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan Gobolka Shabeellaha Dhexe inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta ay la leeyihiin hay’adaha amniga, islamarkaana ay si degdeg ah ula wadaagaan xog kasta oo la xiriirta dhaqdhaqaaqyada shaki leh ama falalka khatarta ku ah amniga iyo xasilloonida deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here