Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga amniga

0

Muqdisho, Soomaaliya – Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta kulan la yeeshay wafdi ka socday EUCAP Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Madaxa Howlgalka EUCAP Soomaaliya, Kestutis Lancinskas.

 

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga, taageerada farsamo iyo tababarrada ay EUCAP siiso hay’adaha amniga Soomaaliya, gaar ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Daraawiishta iyo Ilaalada Xeebaha, Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay dib-u-eegista istiraatiijiyadda EUCAP iyo sidii taageerada amniga loo waafajin lahaa mudnaanta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa adkeeyay muhiimadda isku-duwidda iyo lahaanshaha dowladda ee dhammaan dadaallada lagu taageerayo hay’adaha amniga dalka.

Dhankiisa, Madaxa Howlgalka EUCAP ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii wadista taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la qabto kulan farsamo oo lagu sii ambaqaadayo dib-u-eegista istiraatiijiyadda EUCAP ee xoojinta iskaashiga amniga iyo taageerada hay’adaha amniga Soomaaliya.May be an image of one or more people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here