Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Oo Ka Qayb Galay Xuska Maalinta Qaranimada Talyaaniga Ee Muqdisho

0

Muqdisho, Soomaaliya –  Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda lagu xusay Maalinta Qaranimada Talyaaniga oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

 

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa munaasabadda uga hambalyeeyay shacabka iyo dowladda Talyaaniga maalintan muhiimka ah, isaga oo xusay xiriirka taariikhiga ah iyo saaxiibtinimada soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in maalintan ay xusuus gaar ah u leedahay shacabka Talyaaniga, maadaama ay ku beegan tahay sannad-guuradii aftidii la qabtay sanadkii 1946-kii, taas oo shacabka Talyaanigu ku doorteen in dalkoodu noqdo jamhuuriyad halkii uu ka ahaan lahaa boqortooyo.

“Anigoo ku hadlaya magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shacabka iyo madaxda Talyaaniga munaasabadda Maalinta Qaranimada. Soomaaliya waxay qiimeynaysaa xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga kala dhexeeya Talyaaniga,” ayuu yiri Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, diblomaasiyiin, marti sharaf iyo wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah, kuwaas oo wadajir ugu dabaaldegay maalintan qaran ee Talyaaniga.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here