Muqdisho, Soomaaliya – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo uu wehliyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada, George Conway, ayaa guddoomiyay kulanka billaha ah ee lagu falanqeeyo xaaladaha bani’aadannimo ee dalka.
Kulanka oo ay ka qeyb galeen madaxda OCHA iyo SoDMA, ayaa diiradda lagu saaray xaaladihii ugu dambeeyay ee bani’aadannimo ee ka jira Soomaaliya, iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada gargaarka si wax looga qabto baahiyaha sii kordhaya ee bulshada nugul.
Mas’uuliyiinta ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha dowladda iyo bahda gargaarka bani’aadannimada, si loo hubiyo in gargaar degdeg ah oo wax ku ool ah la gaarsiiyo dadka ay saameeyeen abaaraha, fatahaadaha iyo dhibaatooyinka kale ee bani’aadannimo.
Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa adkeeyay muhiimadda kulamadan joogtada ah ay u leeyihiin isku-duwidda iyo dardargelinta howlaha bani’aadannimo ee dalka, isagoo tilmaamay in wada-shaqeyn dhow ay laf-dhabar u tahay gaarsiinta adeegyo iyo gargaar wax ku ool ah bulshada u baahan.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan sii xoojinta wada-shaqeynta iyo dadaallada lagu taageerayo shacabka Soomaaliyeed ee wajahaya xaaladaha adag ee bani’aadannimo.




