Muqdisho, Soomaaliya – Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa guddoomiyay munaasabad lagu maamuusay saraakiil Soomaaliyeed oo dhammaystay tababar heer sare ah oo la xiriira ilaalinta amniga madaxda qaranka, kaas oo ay ku soo qaateen dalka Serbia.
Munaasabadda oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu guddoonsiiyay saraakiisha shahaadooyin muujinaya guusha ay ka gaareen tababarka, kaas oo diiradda lagu saaray farsamooyinka casriga ah ee ilaalinta madaxda qaranka, qiimeynta khataraha amniga iyo xoojinta badqabka masuuliyiinta sare ee dowladda.
Wasiirka Amniga Gudaha ayaa ku bogaadiyay saraakiisha dadaalka iyo aqoonta ay soo kororsadeen muddadii tababarka, isagoo xusay in tayeynta iyo kor u qaadista xirfadaha ciidamada amniga ay laf-dhabar u yihiin sugidda amniga qaranka iyo ilaalinta masuuliyiinta dowladda.
Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay in Soomaaliya ay weli wajahayso caqabado amni oo kala duwan, taasoo ka dhigaysa mid lama huraan ah in la helo saraakiil si heer sare ah u tababaran, kuwaas oo awood u leh ka hortagga iyo la tacaalidda khataraha amni ee lagu beegsan karo madaxda qaranka iyo xarumaha dowladda.
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii waddo dadaallada lagu horumarinayo awoodda iyo xirfadaha hay’adaha amniga, si loo xaqiijiyo jawi amni oo sugan iyo in ciidamada amniga ay si hufan uga jawaabaan khataraha soo wajaha dalka.
Tababarkan ayaa qeyb ka ah qorshayaasha joogtada ah ee dowladda lagu xoojinayo tayada, xirfadda iyo diyaargarowga ciidamada amniga, iyadoo la doonayo in la dhiso ciidan casri ah oo leh aqoon iyo karti waafaqsan heerarka caalamiga ah ee amniga.




