Muqdisho – Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka dhacay deegaan u dhexeeya degmooyinka Gubadleey iyo Warsheekh, kaddib markii ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gaareen halkaasi, iyagoo sheegay inay wadaan howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah.
Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah, dagaalka ayaa u dhexeeya ciidamada dowladda iyo ciidamo la sheegay inay taageersan yihiin Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur, kaas oo shalay weerar lagu qaaday hoteel uu ku leeyahay magaalada Muqdisho.
Warar kale ayaa tilmaamaya in dhaqdhaqaaqyo ciidan laga dareemayo fariisimo ay ku sugan yihiin ciidamo taabacsan Jeneraal Saneey Cabdulle oo ku yaalla degmada Gubadleey, iyadoo xaaladda deegaanka ay weli tahay mid kacsan.




