Booliiska Banaadir oo Soo Bandhigay Hub iyo Gaadiid Dagaal oo Lagu Qabtay Howlgal Ka Dhacay Cabdicasiis

0

Muqdisho – Taliska Guud ee Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa maanta degmada Cabdicasiis kusoo bandhigay hub iyo gaadiid dagaal oo lagu qabtay howlgal ay sheegeen inuu qeyb ka yahay dadaallada lagu xakameynayo hubka sharci-darrada ah ee ku sugan magaalada Muqdisho.

 

Howlgalka ayaa ka dhacay degmada Cabdicasiis, halkaas oo ciidamada ammaanku ay ka sameeyeen baaritaanno la xiriira hubka iyo gaadiidka dagaalka ee sida sharci-darrada ah loo haysto.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa shir jaraa’id ku qabtay goobta lagu soo bandhigay qalabka la qabtay, isagoo sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay qorshaha lagu sugayo amniga caasimadda iyo ka hortagga falalka khalkhal gelin kara nabadgelyada.

Booliiska ayaa goobta kusoo bandhigay qoryo waaweyn, hub kale oo kala duwan iyo lix gaari oo nooca dagaalka ah. Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in gaadiidkan iyo hubkan lagu qabtay howlgalka ka dhacay degmada Cabdicasiis.

DAAWO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here