Danjiraha Soomaaliya ee Sacuudiga oo La Kulmay Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka

0

Riyaad  – Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sacuudiga, Mudane Maxamed Aamiin Sheekh Cusmaan, ayaa magaalada Riyaad kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), Mudane Jasem Mohamed Albudaiwi.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga wadajirka ah ee ka dhexeeya Golaha Iskaashiga Khaliijka iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen fursadaha lagu horumarin karo iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta.

Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka ayaa Danjiraha Soomaaliya u xaqiijiyay taageerada ay dowladaha xubnaha ka ah GCC la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo amniga, midnimada, xasilloonida iyo madaxbannaanida dalka.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-shaqeynta iyo iskaashiga dhow ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Khaliijka, si loo xoojiyo xiriirka taariikhiga ah iyo danaha wadajirka ah ee labada dhinac.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka ay la leedahay dalalka gobolka iyo ururrada caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here