Muqdisho – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa furay Aqoon-isweydaarsiga Qaran ee ku saabsan Barnaamijka Diiwaanka Xasuusta Dunida ee UNESCO (Memory of the World), kaas oo diiradda lagu saarayo ilaalinta iyo badbaadinta dhaxalka taariikheed ee Soomaaliya.
Aqoon isweydaarsigan waxaa soo qaban qaabisay Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNESCO, oo kaashanaysa Barnaamijka JFIT ee ay maalgeliso Dowladda Japan. Waxaa ka qeyb galaya wakiillo ka socday hay’adaha dowladda iyo daneeyayaasha ka shaqeeya ilaalinta taariikhda, dhaqanka, fanka, suugaanta iyo hiddaha Soomaaliyeed.
Lea Simonini, oo ka socotay UNESCO, ayaa sheegtay in barnaamijkani muhiim u yahay fahamka iyo horumarinta kaalinta Soomaaliya ee ilaalinta xusuusta taariikhiga ah.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa hadal-jeedintii furitaanka ku adkeeyay muhiimadda ilaalinta xusuusta qaran iyo dhaxalka warbaahineed ee dalka, isaga oo tilmaamay in Kaydka Radio Muqdisho uu yahay dhaxal nool oo xambaarsan taariikhda iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed, una baahan badbaadin degdeg ah.
“Aqoon isweydaarsigan Ilaalinta xusuusta xasuusta waa mid ku soo beegmay waqtii ku habboonaa, badbaadinta taariikhda ku jirta Kaydka Qaranka ma aha oo keliya hawl farsamo, ee waa waajib qaran oo lagu badbaadinayo aqoonsiga iyo taariikhda ummadda Soomaaliyeed, Kaydka Radio Muqdisho waa hoyga taariikhda fanka, dhaqanka iyo qaran-dhiska Soomaaliyeed, wuxuuna u baahan yahay badbaadin degdeg ah,” ayuu yiri Wasiir Cabdulfataax.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaraddu xoogga saari doonto casriyeynta iyo ilaalinta Kaydka Radio Muqdisho, iyadoo la kaashanaysa Barnaamijka UNESCO ee Diiwaanka Xasuusta Dunida.
Aqoon-isweydaarsigan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa xoojinaya dadaallada gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee lagu ilaalinayo kaydka taariikhda Soomaaliya, si uu qeyb uga noqdo ololaha caalamiga ah ee ilaalinta xusuusta iyo dhaxalka aadanaha oo ay hoggaaminayso UNESCO.




