Wasiirka Amniga Gudaha iyo Safiirka Shiinaha oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga

0

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kulan la yeeshay Safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya, Danjire Wang Yu, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga, horumarinta awoodda hay’adaha amniga iyo taageerada farsamo ee lagu xoojinayo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu sugayo amniga iyo xasilloonida dalka.

Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow oo ku saleysan danaha wadajirka ah, iyadoo sidoo kale la xusay doorka ay saaxiibbada caalamiga ahi ku leeyihiin taageerada Soomaaliya ee dhinacyada amniga iyo horumarinta hay’adaha dowladda.

Wadahadallada ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay taageerada tababarrada iyo horumarinta xirfadaha shaqaalaha Wasaaradda Amniga Gudaha, xoojinta awoodda hay’adaha amniga iyo kor u qaadista iskaashiga la xiriira ka hortagga khataraha amni, la dagaallanka walxaha qarxa iyo miinooyinka oo khatar ku ah badqabka shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Shiinaha taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhismaha awoodaha hay’adaha dowladda.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan sii xoojinta wada-shaqeynta Soomaaliya iyo Shiinaha, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, tayeynta hay’adaha dowladda iyo taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo amni waara iyo xasillooni dalka ka hanaqaadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here