HIIRAAN – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirShabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, ayaa kulan la qaatay Taliyaha Qaybta 5-aad ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), S/Guuto Michel Ndenzako, iyagoo ka wada hadlay xaaladda amniga iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya AUSSOM iyo Ciidanka Amniga Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta hawlgallada wadajirka ah ee lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida deegaannada HirShabeelle, iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta dhinacyada amniga.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ku ammaanay ciidamada AUSSOM doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan taageeridda nabadda iyo amniga Soomaaliya, isaga oo xusay dadaallada iyo nafhurnimada ay muujiyeen intii ay ka shaqeynayeen sugidda amniga dalka.
Dhankiisa, S/Guuto Michel Ndenzako ayaa uga mahadceliyay maamulka HirShabeelle wada-shaqeynta dhow ee kala dhaxeysa AUSSOM, isaga oo tilmaamay in iskaashigaasi uu muhiim u yahay guusha hawlgallada wadajirka ah ee lagu xasilinayo deegaannada iyo la dagaallanka kooxaha amniga qalqal geliya.
Taliyaha Qaybta 5-aad ee AUSSOM ayaa sidoo kale adkeeyay sida ay uga go’an tahay AUSSOM inay sii waddo taageerada dadaallada nabadda iyo amniga ee ay hoggaaminayaan hay’adaha Soomaaliyeed, si loo xoojiyo xasilloonida iyo amniga gobolka.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya AUSSOM, maamulka HirShabeelle iyo Ciidanka Amniga Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo amni waara iyo horumar ka hanaqaada gobolka.




