London – Dalal badan oo Afrika ah, oo ay ku jiraan Nigeria, Uganda, Ghana, Zambia iyo Masar, ayaa bilaabay inay soo jiitaan maalgashi shisheeye oo cusub kadib sannado ay ku jireen dib-u-habayn dhaqaale iyo maamul, sida uu sheegay madaxa fulinta ee Standard Chartered ee Afrika.
Dalu Ajene, oo ah Madaxa Fulinta iyo Madaxa Daboolka Afrika ee bangiga Standard Chartered, ayaa wareysi uu siiyay Reuters ku sheegay in isbeddellada dhaqaale ee ay hirgeliyeen dowlado badan oo Afrika ah ay sare u qaadeen kalsoonida maalgashadayaasha caalamiga ah.
Ajene ayaa xusay in dib-u-habayntaasi ay ka koobnaayeen hagaajinta xeerarka maaliyadeed, kor u qaadista hufnaanta dowladeed, xoojinta madaxbannaanida bangiyada dhexe iyo dejinta siyaasado dhaqaale oo la isku halayn karo.
Dalalka qaar sida Nigeria ayaa sidoo kale qaaday tallaabooyin adag oo ay ka mid yihiin joojinta kabka shidaalka ee muddada dheer culayska ku ahaa miisaaniyadda dowladda.
Sida uu sheegay madaxa Standard Chartered ee Afrika, dib-u-habayntan ayaa horseeday in qaaradda ay dib ugu soo laabtaan maalgashadayaal waaweyn, oo ay ku jiraan hay’adaha maalgelinta horumarinta, maamulayaasha hantida, sanduuqyada xayndaabka (Hedge Funds) iyo hay’adaha deymaha dhoofinta.
“Waxaan hadda aragnaa maalgashadayaal badan oo u arka Afrika meel ay fursado waaweyn ka jiraan, marka loo eego saddex sano ka hor oo dalal badan ay wajahaysay xaalad dhaqaale oo adag,” ayuu yiri Ajene.
Waxa uu tilmaamay in maalgelinta cusub ay gacan ka geysan karto yareynta saameynta ka dhalan karta hoos u dhaca deeqaha caalamiga ah, xilli dalalka hodanka ah ay mudnaanta siinayaan kharashaadka difaaca iyo arrimaha gudaha.
Dhanka kale, Ajene ayaa sheegay in dalalka Khaliijka, gaar ahaan Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE), ay sii kordhinayaan maalgashiga ay ku sameynayaan Afrika, iyadoo heshiisyo iskaashi dhaqaale oo cusub ay la galeen dalal ay ka mid yihiin Kenya, Morocco, Mauritius iyo Nigeria.
Maalgelintan ayaa inta badan ku wajahan qaybaha macdanta, tamarta, beeraha iyo sugnaanta cuntada, kuwaas oo loo arko inay yihiin meelaha ugu muhiimsan ee kobaca dhaqaale ee mustaqbalka Afrika.
Ajene ayaa sidoo kale difaacay isticmaalka qalabka maaliyadeed ee loo yaqaan Total Return Swaps (TRS), kuwaas oo ay isticmaaleen dalal ay ka mid yihiin Angola, Nigeria iyo Senegal si ay u helaan maalgelin cusub.
Inkasta oo Sanduuqa Caalamiga ah ee Lacagta Adduunka (IMF) iyo hay’ado kale ay mararka qaar walaac ka muujiyeen hufnaanta nidaamkan, haddana Ajene wuxuu sheegay in TRS ay bixiyaan dabacsanaan dheeraad ah isla markaana ay dowladaha siin karaan fursado kale oo ay ku helaan maalgelin marka suuqyada caadiga ahi ay adag yihiin.
Khubarada dhaqaalaha ayaa aaminsan in haddii dib-u-habaynta hadda socota la sii xoojiyo, ay Afrika yeelan karto fursad weyn oo ay ku soo jiidato maalgashi waara, korna ugu qaaddo kobaca dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka sannadaha soo socda.




