MUQDISHO – Garsooraha Soomaaliyeed ee heerka caalami, Cumar Cabdulqaadir Cartan, ayaa markale taariikh cusub u dhigay Soomaaliya iyo guud ahaan qaaradda Afrika, kadib markii loo magacaabay inuu dhex-dhexaadiyo kulanka UEFA Super Cup 2026, oo la qorsheeyay inuu 12-ka Agoosto ka dhaco magaalada Salzburg ee dalka Austria.
Kulankan oo ka tirsan tartamada ugu sarreeya kubadda cagta Yurub ayaa dhex mari doona kooxda ku guuleysatay tartanka UEFA Champions League ee Paris Saint-Germain iyo kooxda hanatay UEFA Europa League ee Aston Villa.
Cumar Cartan, oo tan iyo sanadkii 2018 ku jiray liiska garsoorayaasha FIFA, ayaa sanadihii dambe si weyn uga dhex muuqday garoomada caalamiga ah, isagoo noqday mid ka mid ah garsoorayaasha ugu magaca dheer Afrika. Sanadkii 2025 ayuu ku guuleystay abaal-marinta Garsooraha Ragga Afrika ee Sanadka, taasoo sii xoojisay sumcaddiisa iyo kalsoonida lagu qabo xirfaddiisa.
Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Yurub (UEFA), Aleksander Čeferin, ayaa sheegay in Cumar Cartan uu yahay garsoore leh karti, xirfad iyo khibrad sare, inkastoo uu weli da’yar yahay marka loo eego qaar ka mid ah garsoorayaasha heerkan ka shaqeeya.
“Cumar Cartan wuxuu muujiyay hufnaan, daacadnimo iyo xirfad sare oo ka dhigtay inuu mudan yahay fursaddan muhiimka ah,” ayuu yiri Madaxweynaha UEFA.
Dhankiisa, Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF), Dr. Patrice Motsepe, ayaa ku tilmaamay magacaabistan mid sharaf weyn u ah Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika.
“Magacaabista Cumar Cartan waxay caddeyn u tahay horumarka ay sameynayaan garsoorayaasha Afrika. Waa tusaale muujinaya in kartida iyo dadaalka ay gaarsiin karaan heerarka ugu sarreeya ee kubadda cagta caalamka,” ayuu yiri Motsepe.
Magacaabistan ayaa lagu tilmaamay guul taariikhi ah, maadaama Cumar Cartan uu noqday garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah, isla markaana ka mid ah garsoorayaasha Afrika ee loo doorto inay maamulaan kulan rasmi ah oo heerkan sare ah oo ay qabanqaabiso UEFA.
Guushan ayaa sare u qaadaysa sumcadda Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamiga ah, waxayna dhiirrigelin u tahay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku haminaya inay gaaraan heerar sare oo dhanka ciyaaraha iyo garsoorka ah.




