Madaxweyne Cirro Oo Booqasho Taariikhi Ah Ku Tagaya Israel

0

HARGEYSA – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Ciro), ayaa booqasho rasmi ah ku tegi doona Israel 14-ka bishan June, kadib markii casuumaad ka helay Ra’iisul Wasaare Netanyahu oo aqoonsi siiyay maamulkiisa bishii December 2025.

 

Inta uu joogo Israel, Madaxweyne Cirro ayaa booqan doono xarunta xusuusta xasuuqii Yuhuudda ee Yad Vashem, isagoo halkaas u tagaya si uu u muujiyo inuu ka xun yahay wixii ku dhacay dadka Yahuuddii Yurub ku noolayd xiligii dagaalkii 2aad adduunka 1941 illaa 1945.

Booqashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee taariikhda uu hoggaamiye ka socda Somaliland ku tago Israa’iil, waxayna muujinaysaa xiriirka diblomaasiyadeed ee sii kordhaya ee Somaliland ay ka helayso markale meel ka baxsan gobolka Geeska Afrika.

Waxay booqashadan qayb ka tahay dadaallada ay xukuumadda Hargeysa ku ballaarinayso xiriirka caalamiga ah iyo raadinta aqoonsi buuxa oo ay ka hesho dalalka caalamka.

Ma jiro illaa hadda dal aqoonsaday Somaliland, waxay ictiraaf ka heshay kaliya labo maamul oo iyada lamid ah – kuwaasoo kala ah Taiwan oo dhulka Shiinaha kamid ah iyo Israel oo dhulka Falastiin xooga ku haysata.

Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay faragelinta Israel ee madax-banaanida dalka, iyadoo sheegtay inaysan aqbali doonin in dhulkeeda saldhigyo loogu duulo dalal kale ka dhisto maamulka Netanyahu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here