MUQDISHO – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay wafdi heer sare ah oo ganacsato iyo maalgashadayaal ah oo ka socday dalka Talyaaniga.
Soo dhaweynta wafdiga ayaa waxaa ka qayb galay ganacsato Soomaaliyeed iyo masuuliyiin kale oo dowladda ka tirsan, iyadoo booqashadan lagu tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta xiriirka ganacsi iyo iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Wafdigan ayaa u yimid Soomaaliya ka qaybgalka munaasabadda Somalia–Italy Business Week 2026, oo ah madal ganacsi oo lagu kulminayo ganacsatada, maalgashadayaasha iyo hay’adaha dhaqaalaha ee labada dal si loo abuuro fursado cusub oo maalgashi iyo iskaashi.
Munaasabaddan ayaa waxaa si wadajir ah u qabanqaabinaya Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, IBS Bank, PollLink Group iyo Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Talyaaniga.
Mas’uuliyiinta ayaa rajo ka muujiyay in kulamadan ay horseedi doonaan iskaashi cusub oo ku saabsan ganacsiga, warshadaha, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, taasoo gacan ka geysan karta kobaca ganacsiga iyo abuurista fursado shaqo oo cusub.
Booqashada wafdiga Talyaaniga ayaa ka tarjumaysa xiisaha sii kordhaya ee maalgashadayaasha caalamiga ah ay u qabaan Soomaaliya, xilli dalku uu ku jiro dadaallo lagu horumarinayo ganacsiga, maalgashiga iyo dib-u-dhiska dhaqaalaha qaranka.





