Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Oo Tababar Ku Soo Gebagebeeyey Rwanda

0

KIGALI – Taliyaha Taliska Tababarada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Axmed Ciise Axmed, ayaa dalka Rwanda tababar ugu soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo waxbarasho iyo tababaro heer sare ah ku soo qaatay dalkaasi.

 

Saraakiishan ayaa ka qalin-jabisay Kulliyadda Abaanduulka Sare iyo Hoggaaminta ee Ciidanka Difaaca Rwanda, halkaas oo ay ku barteen maadooyin la xiriira hoggaaminta ciidamada, maamulka iyo qorsheynta hawlgallada milatari ee casriga ah.

Sidoo kale, saraakiisha ayaa shahaadada heerka labaad ee Master Degree-ka Daraasaadka Amniga ka qaatay Jaamacadda Rwanda (University of Rwanda), taas oo kor u qaadaysa aqoontooda iyo xirfaddooda dhinacyada amniga iyo difaaca.

Intii uu socday tababarka, saraakiisha ayaa diiradda saaray maamulka iyo hoggaaminta ciidamada, qorsheynta hawlgallada waaweyn ee wadajirka ah, iyo hababka ay u wada shaqeeyaan ciidamada isku-dhafka ah ee ka kala socda dalal kala duwan.

Taliyaha Taliska Tababarada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Axmed Ciise Axmed, ayaa saraakiisha ku bogaadiyey dadaalka iyo guusha ay gaareen, isagoo xusay in aqoonta iyo waayo-aragnimada ay soo kororsadeen ay door muhiim ah ka qaadan doonto horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here