MUQDISHO – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la qaatay U Qaybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Jamhuuriyadda Carabta ee Masar u fadhiya Soomaaliya, S/Guuto Ahmed Fathi Abdisitar.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada difaaca, tababarrada ciidamada, taageerada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyo horumarinta xiriirka milatari ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.
Taliyaha Ciidanka XDS ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca iyo dhismaha awoodda ciidamada qalabka sida.
Dhankiisa, U Qaybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Masar, S/Guuto Ahmed Fathi Abdisitar, ayaa xaqiijiyay sida ay dowladda Masar uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay siiso Soomaaliya, si loo xoojiyo amniga, xasilloonida iyo horumarinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha Ciidanka XDS ayaa ugu dambeyn uga mahadceliyay dowladda Masar taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tababarrada ciidamada, iskaashiga difaaca iyo horumarinta tayada iyo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.




