MUQDISHO – Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u furay Toddobaadka Ganacsiga Talyaaniga iyo Soomaaliya 2026 (Italy–Somalia Business Week 2026), oo ka furmay magaalada Muqdisho.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, ganacsato Soomaaliyeed iyo wafdi ballaaran oo ka socday dalka Talyaaniga, kuwaas oo ka wada hadlay fursadaha maalgashi, xoojinta ganacsiga iyo ballaarinta iskaashiga dhaqaale ee labada dal.
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa sheegay in Soomaaliya ay maanta tahay dal u furan ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah, isagoo xusay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta dhaqaalaha, kobcinta maalgashiga iyo abuurista fursado shaqo oo loogu talagalay dhalinyarada Soomaaliyeed.
Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay waddo dib-u-habeynno lagu horumarinayo jawiga ganacsiga, si loo soo jiito maalgashadayaasha caalamiga ah loona xoojiyo kalsoonida ganacsatada gudaha iyo dibadda.
Toddobaadka Ganacsiga Talyaaniga iyo Soomaaliya ayaa la filayaa inuu horseedo heshiisyo cusub iyo iskaashi dhaqaale oo dhexmara shirkadaha iyo ganacsatada labada dal, kuwaas oo gacan ka geysan kara kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.





