MUQDISHO – Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Faysal Aadan Xasan ayaa maanta kulan soo dhaweeyn ah Xarunta Wasaaradda kula qaatay lix gabdhood oo laga soo xulay hey’adaha Federaalka, kuwaas ku guuleystay Barnaamijka Xoojinta Awoodda Aharciga iyo Tababarka ee haweenka Soomaaliyeed (Legal Empowerment and Internship Programme for Women in Somalia).
Barnaamijkan oo socon doona 11 bilood (Juun 2026 – Maajo 2027) ayaa fursado tababar iyo shaqo-barasho siinaya 34 gabdhood oo Soomaaliyeed oo laga soo kala xulay dalka oo dhan.
Sidoo kale Barnaamijkan waxaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda iyo barnaamijka JJCP ee lagu hirgelinayo yoolalka Istiraatiijiyadda 2025–2029, si loo kordhiyo ka qaybgalka haweenka ee bahda cadaaladda, loona xoojiyo xirfadahooda iyo doorkooda hoggaamineed.



