MUQDISHO – Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta si rasmi ah uga guddoomay Hay’adda Iskaashiga iyo Horumarinta Turkiga (TİKA) qalab loogu talagalay xoojinta iyo casriyeynta howlaha Wasaaradda.
Qalabka la wareejiyay ayaa isugu jira kombiyuutarro, shaashado waaweyn iyo agab kale oo xafiiseed oo casri ah, kuwaas oo lagu qalabeyn doono dhismaha cusub ee Wasaaradda si loo horumariyo hufnaanta maamulka iyo tayada adeegyada ay bixiso.
Wasaaradda Beeraha ayaa uga mahadcelisay Dowladda Turkiga iyo Hay’adda TİKA taageerada ay siiyaan Soomaaliya, iyadoo xustay in qalabkan uu qeyb ka yahay codsi uu Wasiirka Beeruhu u gudbiyay Madaxweynaha TİKA, Mudane Abdullah Eren, xilli uu booqasho ku joogay magaalada Ankara bishii Nofeembar 2025.
Madaxa Hay’adda TİKA ee Soomaaliya, Mudane Zafer Eski, ayaa qalabka ku wareejiyay Wasaaradda, isagoo sheegay in taageeradani ay qeyb ka tahay dadaallada lagu horumarinayo awoodda hay’adaha dowladda iyo tayeynta adeegyada bulshada.
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa sheegtay in qalabkan cusub uu door weyn ka qaadan doono horumarinta maamulka, dardargelinta adeeg bixinta iyo hirgelinta qorshayaasha lagu kobcinayo wax-soo-saarka beeraha, horumarinta dhaqaalaha dalka iyo xaqiijinta isku-filnaanshaha cuntada.




