KISMAAYO – Wasiirka Amniga Jubaland, S/Guuto Yuusuf Xuseen Cismaan, iyo Taliyaha Qaybta 2-aad ee AUSSOM, Brigadier Edward Banda, ayaa magaalada Kismaayo uga qeyb galay munaasabad lagu soo xirayay tababar ay dhammeysteen 100 askari oo ka tirsan Ciidanka Nabad Sugidda Jubaland (JSF).
Tababarkan oo socday muddo afar toddobaad ah ayaa lagu qabtay Saldhigga Howlgelinta ee Garoonka Cusub ee Kismaayo, waxaana lagu baray askarta xirfado muhiim ah oo ay ka mid yihiin maaraynta hubka, ka hortagga walxaha qarxa (IED-yada), xeeladaha dagaalka, jirdhiska ciidanka iyo daryeelka dhaawacyada goobaha dagaalka.
Mas’uuliyiinta ka hadlay munaasabadda ayaa xusay in awood-dhisidda ciidamada amniga ay muhiim u tahay xoojinta nabadda, xasilloonida iyo sugidda amniga Soomaaliya, iyadoo la horumarinayo kartida ciidamada si ay si madax-bannaan uga jawaabaan khataraha amni ee jira.
Wasiirka Amniga Jubaland, S/Guuto Yuusuf Xuseen Cismaan, ayaa hambalyo u diray askarta qalin-jabisay, isagoo ku boorriyay inay si hufan ugu adeegaan shacabka, isla markaana ay ka faa’iideystaan aqoonta iyo xirfadaha ay tababarka ku soo barteen.
Dhankooda, saraakiisha AUSSOM ayaa sheegay in tababarku qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo tayada Ciidanka Amniga Soomaaliyeed, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in askartu aqoonta ay heleen ku dabaqaan howlaha amniga iyo ilaalinta shacabka.
AUSSOM ayaa xustay inay sii wadi doonto taageerada ay ku bixinayso tababarrada iyo la-talinta ciidamada Soomaaliyeed, si loo dhiso awood amni oo waarta oo dalka ka hirgasha mustaqbalka fog.



