Hoggaamiye Aadan Madoobe Oo Muqdisho Kula Kulmay Ku-xigeenka Ergeyga Midowga Afrika U Qaabilsan Soomaaliya

0

MUQDISHO – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo safar shaqo ku jooga Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u Qaabilsan Soomaaliya Danjire Mukhtaar Cismaan Kaariye.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan amniga, xasilloonida iyo arrimaha horumarinta deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed. Sidoo kale labada mas’uul ayaa iska xog-waraystay dadaallada lagu xoojinayo nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo taageerada ay Midowga Afrika ka geystaan horumarinta iyo xasilinta deegaannada Koonfur Galbeed.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyey Danjire Mukhtaar Cismaan Kaariye taageerada joogtada ah ee Midowga Afrika uu la garab taagan yahay Soomaaliya, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga Dowladda Koonfur Galbeed iyo Midowga Afrika si loo xaqiijiyo amni waara iyo horumar loo dhan yahay.

Danjire Mukhtaar Cismaan Kaariye ayaa bogaadiyey dadaallada Dowladda Koonfur Galbeed ee ku aaddan sugidda amniga, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta adeegyada bulshada, isagoo caddeeyey in Midowga Afrika uu sii wadi doono taageerada uu la garab taagan yahay Soomaaliya gaar ahaan Dowladda Koonfur Galbeed.

May be an image of textMay be an image of dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here