Wakiilka Cusub Ee UNFPA Soomaaliya Oo Booqasho Ku Yimid Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Isboortiga

0

MUQDISHO – Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (XFS), oo sii xoojinaysa wada-shaqeynta dhow ee ay la leedahay hay’adaha caalamiga ah, ayaa maanta xarunteeda ku qaabishay wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka cusub ee UNFPA Soomaaliya, Mudane Judicaël ELIDJE.

 

Kulanka oo uu shir-guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS, isla markaana ay goob joog ka ahaayeen qaar kamid ah howlwadeennada Wasaaradda, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan barnaamijyada la xiriira horumarinta dhallinyarada, kobcinta ka-qaybgalka bulshada, iyo taageeridda isboortiga gabdhaha.

Wasiirka ayaa si rasmi ah ugu soo dhaweeyay Wakiilka cusub ee UNFPA Soomaaliya, isagoo ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay isla markaana muujiyay sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay sii wadista wada-shaqeynta miro-dhalka ah ee kala dhaxeysa hay’adda UNFPA.

Dhankiisa, Wakiilka cusub ee UNFPA Soomaaliya, Mudane Judicaël ELIDJE, ayaa uga mahadceliyay Wasiirka iyo masuuliyiinta Wasaaradda soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay, isagoo adkeeyay sida ay UNFPA uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga ay la leedahay Wasaaradda.

Sidoo kale, Ku-xigeenka Wakiilka UNFPA Soomaaliya, Mudane Francis Nyasi, oo kulanka goob-joog ka ahaa, ayaa warbixin ka bixiyay halka ay marayaan qorsheyaasha iyo barnaamijyada UNFPA ee la xiriira horumarinta dhallinyarada iyo taageeridda isboortiga gabdhaha ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo iskaashiga Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS iyo hay’adaha caalamiga ah, si loo horumariyo fursadaha iyo adeegyada loo fidinayo dhallinyarada Soomaaliyeed.May be an image of one or more people and suitMay be an image of one or more people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here