Maxkamadda Gobolka Banaadir Oo Xukun Saddex Sano Ah Ku Ridday Sacdiyo Bajaaj 

0

MUQDISHO – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah xukun saddex sano oo xabsi ah ugu dhawaaqday dacwaddii loo heystay Sacdiyo Macallin Cali Xasan, oo ku caan baxday (Sacdiyo Bajaaj), kadib markii ay muddo ku dhow saddex bilood u xirnayd dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Dacwadda Sacdiyo Bajaaj ayaa soo martay marxalado kala duwan, iyadoo dhowaan maxkamaddu ay soo xirtay dhegeysiga dacwadeeda.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ku eedeeyay kiisas xasaasi ah oo ay ka mid yihiin kicin bulsho, abaabul banaanbaxyo ka dhan ah dowladda, iyo hadallo meel-ka-dhac ku ah madaxda qaranka.

In kasta oo qareenkeeda difaacayay uu ku dooday inaysan jirin caddeymo ku filan eedeymahaas, haddana garsoorka maxkamadda ayaa maanta riday xukunkan rasmiga ah, kaas oo si weyn loogu hadal hayo magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here