Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa ka qayb galay munaasabad ballaaran oo lagu xusay 66-guurada kasoo wareegtay xorriyaddii gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, oo ku beegnayd 26-kii Juun 1960-kii.
Munaasabadda ayaa lagu maamuusay halgankii gobannimo-doonka Soomaaliyeed iyo kaalintii ay halyeeyadii Soomaaliyeed ka qaateen hanashada xorriyadda, taas oo ahayd bilowgii hirgelinta himiladii midnimada iyo dowladnimada Soomaaliyeed.
Khudbad uu ka jeediyay munaasabadda, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in xorriyadda lagu hantiyay naf-hurnimo, geesinimo iyo midnimo ay muujiyeen halyeeyadii Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in la ilaaliyo dhaxalkaas taariikhiga ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay weli wajahdo caqabado saameyn ku leh midnimada, nabadda iyo dowladnimada, hase yeeshee ay jiraan fursado waaweyn oo u baahan in shacabka iyo hoggaanka dalka ay si wadajir ah uga faa’iideystaan si loo sii xoojiyo dib u dhiska iyo horumarka dalka.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa hambalyo u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 26-ka Juun, isagoo ku baaqay in la adkeeyo wadajirka, nabadda iyo dadaallada lagu dhisayo Soomaaliya mideysan, xasilloon oo horumarsan.






