Ururka Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee loosoo gaabiyo (CSHRD)

0

Muqdisho, Soomaaliya – Ururka Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (CSHRD), ayaa ka qeyb galay munaasabad ay Xarunta Hormarinta Qoyska Guryasamo ku qabatay magaalada Muqdisho, taas oo guur wadareed loogu sameeyay wiilal iyo gabdho ka tirsan dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

 

Barnaamijkan oo la qabtay sanadkii saddexaad oo xiriir ah ayaa ujeeddadiisu tahay taageeridda dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo dhiirrigelinta dhismaha qoysaska, iyadoo la fududeynayo fursadaha guurka ee bulshadaas.

Munaasabadda waxaa ka soo qeyb galay culimo Soomaaliyeed, mas’uuliyiin, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo marti sharaf kale, kuwaas oo bogaadiyay dadaalka ay Xarunta Guryasamo ku bixinayso taageeridda dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

DAAWO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here