Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa hambalyo u diray dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 66-guurada ka soo wareegtay xorriyaddii Soomaaliya.
Danjire Diene ayaa sheegay in munaasabaddan taariikhiga ah ay astaan u tahay adkeysiga, geesinimada iyo go’aanka shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan dhismaha dal nabdoon, ammaan ah oo horumar leh.
Ergeyga ayaa xusay in Soomaaliya ay sameysay horumar la taaban karo oo dhinacyada nabadda, amniga iyo xasiloonida ah, isagoo adkeeyay in Midowga Afrika uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ay ka go’an tahay inay si dhow ula shaqeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan bah-wadaagta caalamiga ah si loo xoojiyo nabadda, hay’adaha dowladda iyo horumarka dalka.
Gabagabadii, Danjire El Hadji Ibrahima Diene ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Maalinta Xorriyadda, isagoo u rajeeyay mustaqbal ay Soomaaliya ku gaarto nabad waarta, xasillooni iyo barwaaqo.



