Muqdisho – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa maalmihii la soo dhaafay fuliyay duqeymo is xigxigay oo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalada dhanka cirka laga fuliyay deegaannada Gayfo, Ruun Idiris iyo Cali Gaduud, halkaas oo Al-Shabaab ay ku lahayd xarumo abaabul, goobo tababar iyo bakhaarro lagu kaydin jiray hubka iyo saanadda ciidan.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, duqeyntii ugu horreysay oo dhacday 24-kii Juun ayaa lagu beegsaday xarun abaabul oo Al-Shabaab ku lahayd deegaanka Gayfo, iyadoo la bartilmaameedsaday maleeshiyaadkii goobta ku sugnaa iyo hubkii halkaas lagu kaydsanayay.
Maalintii xigtay ee 25-ka Juun ayaa la fuliyay saddex duqeyn oo kale oo lagu burburiyay xarun tababar oo kooxda ku lahayd deegaanka Ruun Idiris. Isla maalintaas waxaa sidoo kale duqeyn kale laga fuliyay deegaanka Cali Gaduud, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhiggu, isku diyaarinayay fulinta weerarro.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in howlgaladan lagu dilay ku dhowaad 30 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana lagu burburiyay laba gaari, saddex mooto, hub, rasaas iyo saanad ciidan oo ay kooxdu adeegsan jirtay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay sii wadi doonto howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo kaashanaysa ciidamada qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah si loo wiiqo awoodda kooxda loona xoojiyo amniga dalka.



