Kenya oo masaafurisay ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee Soomaaliya

0

MUQDISHO – Kenya ayaa toddobaadkan dalkeeda ka musaafurisay ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee Soomaaliya, kaddib markii lagu eedeeyay inuu si musuqmaasuq ah ku qaatay baasaboor Kenyaan ah, warbixin booliiska ayaa muujisay Jimcihii.

 

Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii ka soo degay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi isagoo sita fiisaha saxda ah ee baasaboorkiisa Soomaaliga ah, balse intii uu ku guda jiray kormeerka socdaalka waxaa looga shakiyay inuu si musuqmaasuq ah ku qaatay baasaboorka Kenya, sida lagu sheegay warbixinta booliska.

“Markii su’aalaha la weydiiyay wuxuu qirtay, markii la weydiistay inuu soo saaro baasaboorka wuxuu diiday inuu dhiibo () wuxuuna ku andacooday inuu ku soo saari karo oo keliya maxkamad sharci ah,” ayay warbixintu raacisay.

Reuters way la xiriiri weyday Xaaji iyo wasiirka warfaafinta Soomaaliya si ay wax uga hadlaan.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ayaa lagu qabtay qolka nasashada ee VIP-da ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi, waxaana la siiyay tigidh uu ku laabanayo Muqdisho. Diyaaradiisa ayaa tagtay subaxnimadii Khamiista, warbixinta bilayska ayaa lagu sheegay.

Kenya waxay martigelisaa bulsho badan oo Soomaaliyeed waxayna ku biirtaa ciidamadeeda howlgallada nabad ilaalinta ee ka socda dalka Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here