Dubrovnik, Croatia – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Abdisalam Ali (Dhaay), ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Agaasimaha Gobolka Yurub ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Dr. Hans Henri P. Kluge, intii lagu jiray Madasha Dubrovnik.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo WHO, si loo taageero mudnaanta ay Soomaaliya siisay horumarinta waaxda caafimaadka.
Labada dhinac waxay sidoo kale ka wada hadleen ballaarinta iskaashiga farsamo iyo horumarinta yoolalka wadajirka ah ee caafimaadka bulshada.
Waxa ay si wadajir ah u xaqiijiyeen ka go’naanshahooda sii wadidda iskaashiga lagu xoojinayo nidaamka caafimaadka iyo tayeynta adeegyada daryeelka caafimaadka ee guud ahaan Soomaaliya.




