Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed oo cambaareeyay dilal ka dhacay Sool iyo Hiiraan

0

Muqdisho – Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa si adag u cambaareeyay falal arxan darro ah oo ka dhacay gobollada Sool iyo Hiiraan, kuwaas oo lagu dilay dad rayid ah laguna burburiyay hanti.

 

Guddiga ayaa sheegay in deegaanka Ari-Caddeeye ee Gobolka Sool lagu dilay ugu yaraan 21 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan carruur iyo dad waayeel ah, iyadoo si aan kala sooc lahayn loo beegsaday.

Sidoo kale, Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay ugu yaraan 10 qof, halka guryo ay lahaayeen dad rayid ahna la gubay, taasoo keentay khasaare ballaaran oo naf iyo maalba leh.

Guddigu wuxuu muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan beegsiga shacabka, burburinta hantida, iyo barakaca qoysaska, isagoo sheegay in ay ka dhalatay saameyn culus oo bini’aadantinimo.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Guddigu uu si dhow ula socday labada dhacdo, isla markaana uu sameeyay qiimeyn hordhac ah oo ku saleysan xogaha la helay, iyadoo la filayo in baaritaanno dheeraad ah la sii wado.

GMXIQ ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadaha, isla markaana dhammaan dhinacyadu muujiyaan is-xakameyn, lagana ilaaliyo dadka rayidka ah iyo hantidooda, loona hoggaansamo Dastuurka dalka iyo shuruucda caalamiga ah ee xuquuqul insaanka iyo bani’aadantinimada.

Guddigu wuxuu sidoo kale ugu baaqay hay’adaha awoodda u leh ee Maamul Goboleedka Waqooyi Bari inay sameeyaan baaritaanno madax-bannaan, dhexdhexaad ah oo hufan si loo xaqiijiyo isla xisaabtan.

Ugu dambeyn, Guddigu wuxuu tacsi u diray qoysaska ay dhibaatadu saameysay, isagoo caafimaad degdeg ah u rajeeyay dhaawacyada, isla markaana adkeeyay sida ay uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha, nabadda iyo ka hortagga colaadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here