Baydhabo – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah u furay Madasha Arrimaha Bini’aadannimada Soomaaliya, oo ay ka qeyb galeen Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), wasiirrada gargaarka dowlad-goboleedyada, iyo wakiillo ka socday hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bini’aadannimada.
Madasha ayaa diiradda lagu saaray xaaladda bini’aadannimo ee Soomaaliya, xoojinta iskaashiga dowladda iyo hay’adaha gargaarka, dardargelinta gurmadka la gaarsiinayo bulshada nugul, iyo dejinta qorshayaal lagu wajahayo caqabadaha bini’aadannimo ee ka jira dalka.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow oo u dhexeeya dowladda, hay’adaha samafalka iyo bah-wadaagta kale, si loo helo xalal waara oo lagu yareynayo saameynta masiibooyinka dabiiciga ah iyo xaaladaha bini’aadannimo.
Mas’uuliyiinta iyo hay’adaha ka qeyb galay madasha ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa isku-duwidda dadaallada gargaarka, kor loogu qaadi lahaa u diyaargarowga xaaladaha degdegga ah, loona hubin lahaa in gargaar hufan oo degdeg ah la gaarsiiyo bulshada ay saameeyeen abaaraha, fatahaadaha iyo dhibaatooyinka kale ee bini’aadannimo.
Madasha Arrimaha Bini’aadannimada Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka soo baxaan talooyin iyo qorsheyaal lagu horumarinayo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo bah-wadaagta gargaarka, si loo xoojiyo wax ka qabashada baahiyaha bini’aadannimo ee dalka.





