MUQDISHO -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay mashaariic horumarineed oo isugu jira waddooyin iyo xarumo dowladeed, kuwaas oo door weyn ka qaadan doona dowlad-dhiska Soomaaliya. Sidoo kale, waxa uu dhagax-dhigay mashaariic cusub oo ay hirgelinayso Xukuumadda DanQaran.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ugu horreyn xarigga ka jaray waddo laami ah oo dhererkeedu yahay laba (2) kiiloomitir, taas oo Maamulka Gobolka Banaadir ka hirgeliyey degmada Dayniile. Waxa uu Mudane Xamsa uga mahadceliyey maamulka iyo bulshada caasimadda hirgelinta waddadan muhiimka ah oo fududeyn doonta isku socodka bulshada, gaar ahaan dadka u kala safra Gobolka Banaadir iyo Gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana door ka qaadan doonta dib-u-soo kabashada kaabeyaasha dhaqaalaha iyo bilicda caasimadda.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusay in waddooyinku aysan ahayn oo keliya jidad la maro, balse ay astaan u yihiin horumar, bilic iyo dib-u-dhis qaran, isaga oo bogaadiyey dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinayo kaabeyaasha caasimadda.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hoosta ka xarriiqay in Muqdisho ay maanta ka gudubtay marxaladihii adkaa ee ay soo martay, isla markaana ay cagta saartay jidkii horumarka iyo dib-u-soo kabashada. Waxa uu bulshada Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda kula dardaarmay in ay ilaashadaan nabadda iyo xasilloonida, maadaama ay tahay saldhigga horumar kasta.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sidoo kale ku baaqay in la xoojiyo nadaafadda magaalada, isla markaana bulshada la baro laguna dhaqmo shuruucda isticmaalka waddooyinka, si loo xaqiijiyo badbaadada iyo kala dambeynta.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, oo loo dhisay qaab casri ah una dhiganta heerarka caalamiga ah.
Waxa uu ku ammaanay Wasiirka iyo dhammaan shaqaalaha dadaalka ay geliyeen hirgelinta xaruntan, isaga oo ku boorriyey ganacsatada iyo beeraleyda Soomaaliyeed in ay xoogga saaraan wax-soo-saarka gudaha, si Soomaaliya u gaarto isku filnaansho dhinaca cuntada ah, loogana maarmo waxyaabaha dibadda laga soo dejiyo ee dalka gudihiisa laga soo saari karo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in beeruhu ay ka mid yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee dhaqaalaha dalka, isla markaana xorriyadda dhabta ahi aysan suurtagal noqon karin haddii dalku ku tiirsanaado cunnada dibadda laga keeno.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sidoo kale daah-furay Xarunta Qurba-joogta Soomaaliyeed ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, taas oo u adeegaysa qurba-joogta Soomaaliyeed ee ku nool shanta qaaradood, kuwaas oo lagu qiyaaso in ka badan afar (4) milyan oo qof.
Waxa uu sheegay in xaruntani fududeyn doonto xiriirka dowladda iyo qurba-joogta, kana jawaabi doonto baahiyahooda iyo cabashooyinkooda, iyada oo la hirgelinayo Siyaasadda Qaranka ee Qurba-joogta oo ay hore u ansixisay Xukuumadda DanQaran.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku ammaanay qurba-joogta Soomaaliyeed kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin horumarka dalka, isaga oo xusay inay mar walba garab taagnaayeen shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay muujiyeen adkaysi, ilaalinta diinta, dhaqanka iyo afka hooyo meel kasta oo ay dunida ka joogaan.
Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu dhagax-dhigay dib-u-dhiska xarunta dhexe ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, iyo Xarunta Cilmi-baarista Xoolaha. Waxa uu tilmaamay in xarumahaasi door muhiim ah ka qaadan doonaan horumarinta xoolaha oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in cilmi-baaristu ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu horumarin karo tayada xoolaha Soomaaliyeed, isaga oo rajo ka muujiyey in mashruucan lagu dhammaystiri doono muddo dhow.
Furitaanka mashaariicda cusub ee la furay, qaarna la dhagax-dhigay, ayaa ku soo beegmay iyadoo Soomaaliya u dabaaldegayso sannad-guuradii 66-aad ee Xornimada dalka, taas oo sannadkan lagu muujiyey horumar iyo isbeddel muuqda oo ay xaqiijisay Xukuumadda DanQaran.






